4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 11, 2020
Mahdi Guulleed'' Maxey ku kala duwan yihiin guddiyadii doorashada 2016ka iyo kan 2020ka, kalsooni darro ayaa muuqata

 

Arbaco, November, 11, 2020 (HOL)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa arin u muuqata kalsooni darro iyo quus ku tilmaamatay war-murtiyeedkii ka soo baxay qaar ka mid ah musharixiinta u taagan qabashada madaxweyne ee doorashada 2020-21ka.

Ra’iisal wasaar ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in uu la yaabay warka ka soo baxay musharixiinta ee ka dhanka ahaa guddiyada doorashada isaga oo ku macneeyay arintaa in ay u eg tahay kalsooni darro ka muuqata musharixiinta war-murtiyeedka soo saaray.

Mahdi ayaa su’aal galiyay farqiga u dhaxeeya guddigii doorashada 2016kii iyo kan maanta 2020 ‘’ waa maxay faraqa u dhaxeeya Guddigii Doorashada heer Federaal iyo Somaliland ee 2016 iyo kuwa 2020 oo ay labadaba kasoo dhex muuqdeen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo labada xafiis u kala shaqayn jiray ama shaqeeya” ayuu yiri.

Musharixiinta u taagan doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya doorashada 2020-21 ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in aan wax kalsooni ah lagu qabi karin guddiyada ay dowladdu u saartay doorashada oo ay ku tilmaameen xubno isugu jira Askar iyo shaqaale dowladdeed.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]