4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 10, 2020
Musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya oo diiday guddiyada doorashada oo ay dowladu magacaawday

 

Talaado, November, 10, 2020 (HOL)- Qoraal ka soo baxay qaar ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu qaadacay ka qeybgalka doorashada 2020-21, iyaga dood ka keenay sida loogu kalsoonaan karo guddiyada ay dowladdu u saartay doorashada.

Musharixiintan oo tiradoodu gaareyso 12 musharax ayaa qoraalkooda ku sheegay in wax ka badal lagu sameeyo guddiyada doorashada oo sida ay hadalka u dhiggeen u badan Askar dowladdeed, iyo shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya.

‘’Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah guddiyada looga dhax saaro xubnaha Askarta ah ee ka tirsan hay’adda nabad-sugida Qaranka, xubnaha shaqaalaha dowladda iyo waliba kuwa ku caanbaxay taageerrada madaxweyne Farmaajo’’ ayaa lagu yiri qoraalka

Hoos ka akhriso : 

 

 

 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]