4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 10, 2020
Al-shabaab oo sheegay inay hoobiyayaal ku garaaceen saldhig ciidamada Puntland ku leeyihiin Galgala
 

Talaado, November, 10, 2020 (HOL) - Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay inay in ka badan 19 hoobiyaal ku garaaceen gudaha saldhigga ciidamada Puntland ee Galgala, oo qiyaastii 37km u jirta magaalo xeebeedka Bosaaso.

Hoobiyayaashan ayay Al-shabaab sheegeen inay xalay qaadeen, balse lama oga inuu ka dhashay wax khasaare ah oo kasoo gaaray ciidamada difaaca Puntland ee farriisinka ku leh aagga Galgala.

HOL, oo xiriir la sameysay saraakiil ku sugan magaalada Bosaso, ayaa ka gaabsaday inay macluumaad ka bixiyaan sheegashada Al-shabaab.

Al-shabaab oo xarumo qarsoodi ah ku leh buuraha Galgala iyo Calmadow, ayaa la kulmayay cadaadis joogto ah oo ay ku hayeen ciidamada Puntland iyo diyaaradaha Maraykanka oo duqayn la beegada.

Tallaabooyinkaan ayaa keenay in ay ammaanka Bosaso uu soo hagaago.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]