4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 10, 2020
Shirkadaha daawada Pfizer iyo BioNTech oo ku guulaystay tallaal cusub oo looga hortagaayo feyruska korona
 

Talaado, November, 10, 2020 (HOL) - Labada shirkadood ee soo saara daawooyinka ee Pfizer iyo BioNTech oo kala ah dalalka Maraykanka iyo Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday in tallaalkii ay horumarintiisa wadeen ee looga hortagaayay feyruska korona, ay horumar wanaagsan ka gaareen tijaabadiisa.

Labada shirkadood waxay shegeen in tallaalkaas la samaynayay uu 90% joojiyay feyruska sababa cudurka COVID-19, iyadoo lagu guda jiray heerkii saddexaad ee tijaabinta tallaalka.

Waxaa loo aqoonsaday inay yihiin shirkadihii ugu horeeyay ee horumar weyn ka gaara tijaabintii tallaalka looga hortagaayay feyruska korona.

Madaxa Shirkadda Pfizer Albert Bourla ayaa sheegay in natiijadii ugu horraysay ee ka soo baxday qaybtii saddexaad ee tijaabinta tallaalka ay tahay mid waxtar leh, islamarkaana haatan aan u dhowdahay in la gaarno guushii ka qayb qaadan lahayn sidii caalamka looga badbaadin lahaa cudurkan safmarka.

Waxaa qaybtan saddexaad ee tijaabinta tallaalka la bilaabay bishii Luulyo, waxaana ka qayb qaatay 43, 538 qof, kuwaas oo lagu tijaabiyay tallaalka lana ogaaday in aanu wax dhibato ah ugeysan dhammaan dadkii lagu tijaabiyay.

Madaxa shirkadda Biontceh ee Jarmalka Uğur Şahin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, in ay ku rajo weyn yihiin in tallaalku uu jirka ka difaaci karo feyruska muddo sannad ah, laakiin wali arrinkaasi si dhab ah looma xaqiijin.

Shirkaduhu waxaa ay sheegeen in sannadkaan inta aanu dhammaan ay awoodaan in ay soo saaraan 50 milyan oo tallaal, iyadoo sannadka soo socdana ay gaarsiin karaan illaa 1.3 milyaardi oo tallaal ah.

Ururka Midowga Yurub ayaa heshiis hordhac ah oo iibsiga tallaalka ah la galay labadan shirkadood. Heshiiiskaan hordhaca ah waxaa laga maalgelin doonaa lacagta xaaladaha degdegga ah ee ururuka Midowga Yurub, taasoo ay ka qayb yihiin dhammaanba 27 ka dal ee midowga yurub uu ka kooban yahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]