4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 10, 2020
Xildhibaannada Hirshabeelle oo dhageysanaya khudbadaha musharixiinta xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa

 

Talaado, November, 10, 2020 (HOL)- Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle waxaa ka soconaya qaban-qaabada doorashada xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyadoo maanta xildhibaannada dhageysan doonaan khudbadaha musharixiinta.

Xilka madaxweynaha ilaa iyo hadda waxaa isku soo taagay Cali Maxamed Xusseen Guudllaawe iyo Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan , halka madaxweyne ku-xigeenkana ay ku tartami doonaan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere] oo horey u soo noqday wasiirka maaliyada maamulka Hirshabeelle.

Maalinta berri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 11ka bishan November ayaa la filayaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada oo siweyn isha loogu hayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]