Xildhibaannada Hirshabeelle oo dhageysanaya khudbadaha musharixiinta xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa
Talaado, November, 10, 2020
(HOL)- Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle waxaa ka
soconaya qaban-qaabada doorashada xilka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa iyadoo
maanta xildhibaannada dhageysan doonaan khudbadaha musharixiinta.
Xilka madaxweynaha ilaa iyo hadda
waxaa isku soo taagay Cali Maxamed Xusseen Guudllaawe iyo Cabdiraxmaan Jimcaale
Cismaan , halka madaxweyne ku-xigeenkana ay ku tartami doonaan Yuusuf Axmed
Hagar Dabageed iyo Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere] oo horey u soo
noqday wasiirka maaliyada maamulka
Hirshabeelle.
Maalinta berri ah oo taariikhdu
ku beegan tahay 11ka bishan November ayaa la filayaa in magaalada Jowhar ay ka
dhacdo doorashada oo siweyn isha loogu hayo.