4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2020
Gudoomiyaha aqalka sare oo kasoo horjeestay in xukuumada federalku magacowdo guddiga doorashada xildhibaanada waqooyi
 

Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka aqalka sare ee  Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay xukuumada Soomaaliya in aysan xaq u lahayn inay soo magacowdo guddiga maamulaya doorashooyinka wakiilada gobolada waqooyi u matalaya labada aqal ee barlamaanka.

Warsaxaafadeed uu soo saaray gudoomiyaha, ayuu ku sheegay in xukuumada Soomaaliya isku dayayso in ay magacaabayso guddigaan iyadoo la tashanaysa siyaasiyiinta gobolada waqooyi, laakiin wuxuu caddeeyay haddii tallaabadaas la qaado in ay dhaawac ku tahay hannaanka madax banaanida doorashada.

Gudoomiyaha aqalka sare wuxuu sheegay xukuumada federalka in aysan xaq u lahayn in ay iyadu soo magacowdo guddiga doorashada, wuxuuna gudoomiyuhu tilmaamay in la raacayo hannaankii doorashadii 2016.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]