Dowladda oo dishay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab
![](https://hiiraan.com/2020/images/Nov/2020111637397932488683058.jpg)
Axad, November, 01, 2020 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal gaar ah oo ay ka fulisay deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ay ku dishay sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha ciidamad dowladda gaar ahaan kuwa DANAB ayaa sheegay in howlgalkan lagu dilay sarkaal magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cismaan Dhaga-Cadde kaasoo dhinaca warbaahinta u qaabilsanaa.
Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku hahay oo maamulka xoogga Ururka Al-shabaab.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira sheegashada saraakiisha ciidamada dowladda ee la xiriira dilka sarkaalkan sare.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com