4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2020
Saameynta ay Soomaalida ku leedahay doorashada Madaxtinimada ee ka dhaceysa Mareykanka

 

Axad, November, 01, 2020 (HOL)- Talaadada soo socoto oo taarikhdu ay ku beegan tahay 3-da bishaan November, ayaa waxaa lagu wadaa in guud ahaan wadanka Mareykanka ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada ee sannadkaan 2020-ka, xilli xaalada cudurka Covid-19 ay kor u sii kaceyso gobollada qaar. 

Doorashadaan oo la qabto Talaadada ogu horeyso bisha November, ayaa sannadkaan waxaa ku tartami doono madaxweynaha hadda tallada haayo Donald Trump oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden oo matalaayo Xisbiga Dimuqraadiga. 

Labadaan musharrax ayaa loollankooda waxaa saameyay xaaladaha khatarta ah ee cudurka Corona, waxaana maalmihii ugu danbeyay ay ka ololeynayeen gobollada Pennsylvania, Georgia, Florida, Ohio, Iowa, Michigan, Wisconsin iyo Minnesota. 

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama, ayaa mudo ka dib markii ugu horeysay sabtidii aynu soo dhaafnay kala qeyb qaatay musharaxa xisbiga dimuqraadiga Joe Biden ololihii uu ka sameeyay gobolka Michigan. 

Musharaxiinta doorashada ayaa u muuqdo kuwa xooga saaraayo gobollada codka bad-badalo ee la isku dhaho (swing states) kuwaasoo ay ka mid yihiin Pennsylvania, Florida, Ohio, Michigan iyo Wisconsin. 

Baarayaasha jaamacadda Stanford ayaa sheegay iney rumeysan yihiin in isku-soo-baxyada ololaha doorashada madaxweyne Trump ku qabtay gobollada qaar aanan lagu kala fogeyn bulshada, isla markaana maaskaro aanan la xiranin. Taasna ay keentay in 30 kun oo kiis oo cudurka COVID-19 ah la xaqiijiyay halka in ka badan 7 boqol oo qofna ay dhinteen. 

Dhanka saameynta Soomaalida ay u keeni karto doorashadaan waxaa ka mid ah dhinaca socdaalka sida uu qabo Suldaan Mahdi Ahmed Ali oo ka mid ah dadka u dhaq-dhaqaaqo arrimaha Soomaalida Mareykanka. 

Mahdi oo hadda ka mid ah qaban-qaabiyaasha doorashada Madaxweynaha ee magaalada Boston ee gobalka Massachusetts, ayaa HOL u sheegay in dhibaato badan uu u keenay Soomaalida sharciga xayiraadda socdaalka ee Mareykanka laga saaray lix wadan oo Muslim ah. 

Wuxuu intaas ku daray Suldaan Mahdi in natiijada doorashadaan ay wax badan ka baddeli karto sharcigaas, isagoona ka codsaday Soomaalida Mareykanka iney codka dhiibtaan. 

Dhanka kale saameynta Soomaalida ee doorashadaan waxaa ka mid ah hadalada weerarka dhanka afka ah ee uu Madaxweyne Trump dhawaan ka jeediyay gobolka Pennsylvania, isagoo dhowr mar oo horana wax ka sheegay Soomaalida, Muslimiinta iyo Ilhaan Cumar oo ah xildhibaanada ka tirsan aqalka Congress-ka Mareykanka, lagana soo doortay gobolka Soomaalidu ay ku badan yihiin ee Minnesota.

Doorashadaan ayaa sidoo kale waxay oga duwan tahay doorashooyinkii hore xaalada cudurka COVID-19 oo faro ba’an ku hayo Ameerika, xilli dad ka badan Sagaal Milyan oo qof uu cudurkaan ku asiibay gudaha Mareykanka. 

Codadka horay loo dhiibtay ayaa muujinaayo natiijada gobollada qaar, iyadoo codbixinta hore ee doorashada iyo codbixinta dadka maqan ay sannadkaan tiradoodu aad u badatay. Gobalka Hawaii ee Badda ku yaallo ayaa taariikhda markii ugu horeysay ay dadkii ugu badnaa codadkooda horay u sii dhiibteen doorashadaan. 

Madaxweyne Donald Trump oo afartii sano ee lasoo dhaafay xilka haayay ahna Madaxweynihii 45-aad ee Mareykanka, ayaa doorashadaan wuxuu galayaa, isagoo la sheegay in uusan ku guuleysanin fulinta qaar kamid ah balan qaadyadii uu sameeyay doorashadii 2016-kii oo ay ka mid ahaayeen; inuu joojin doono adeegga caafimaadka ee loo yaqaano Obama care iyo inuu darbi ka dhisi doono xadka Mareykanku uu la wadaago wadanka Mexico. Balse taas beddelkeeda wuxuu madaxweynuhu ku guuleystay sharciga xayiraadda socdaalka oo qeyb ka mid ah ay dhaqan gashay. 

Inkastoo dadka Mareykanka ay codadka dhiibtaan hadana waxaa jiro 538 xubnood oo loo yaqaano ergada doorashada (Electoral college), kuwaasoo ah gole cod-bixiyeyaal doorasho oo loo xushay in ay doortaan musharrax dalka hogaaminaayo. Ergadaan oo golollada Mareykanka ay ku kala tiro badan yihiin ayaa sidoo kale waxay kala matalaan ururo kala duwan, xisbiyo siyaasadeed ama hay'ado.

Musharraxii helo 270 cod ayaana ku guuleystay tartanka madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo la dhaariyo 20-ka bisha Janaayo ee sannadka cusub, wuxuuna si toos ah xafiiska ula wareegaa bisha labaad ee sannadka. 

Ugu danbeyn doorashada Madaxtinimada Mareykanka oo afartii sannaba mar la qabto ayaa midaan waxay noqon doontaa doorashadii 59-aad, marka laga soo bilaabo sannadii 1788 oo doorashadii ugu horeysay ay ka dhacday Mareykanka. 

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
Twitter: @Najah_Moha