4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 9 , 2020
Mareykanka oo muwaadiniintiisa kala baxaya Soomaaliya
 

Sabti, May 9, 2020 (HOL) - War qoraal ah oo lagu daabacay Website-ka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Washington ay qorsheyneyso in muwaadiniinteeda ku xayiran Soomaaliya ay u daad gureyneyso dalkooda.

Qoraalka ayaa lagu xusay in duullimaadka dadkaasi looga qaadayo Muqdisho ay sameyn doonto diyaaradda Ethiopian Airlines , waxaana dadka doonaya in ay baxaan laga codsaday in ticket-yada ay iibsadaan illaa iyo 14-ka bishan May.

Duulimaadka ayaa noqon doona khadka Muqdisho, Adis-ababa iyo Virginia  oo ah Mareykanka .

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in dadkeeda ay u daad gureyneyso sababa la xiriira xanuunka COVID-19 oo aad ugu baahaya Soomaaliya, horay waxaa Waddanka ugala baxay muwaadiniintiisa Turkirga sababo la xiriira Coronavirus.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho