4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 9 , 2020
Dowladda Federaalka oo lacago loogu talo-galay Fatahaadda Baladweyne arrimo kale u adeegsatay
 

Sabti, May 9, 2020 (HOL) - Lacag dhan 1.5 Milyan oo Doollar oo  bartamaha Bishii May 2018 ay ku deeqday dowladda Shiinaha si wax looga qabto fatahaadda webiga Shabeelle, ayaa Baaritaan ay sameeyay Shabakadda HOL waxa ay kusoo ogaatay in lacagahaasi aysan gaarin halkii loogu talo-galay.

Lacagta ayuu Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian ku wareejiyay Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, si wax looga qabto fatahaadda webiga Shabeelle ka sameeyay Baladweyne.

Hadaba lacagtaasi Halkay martay?

Waxaan xiriirro kala duwan la sameynay madaxda guddiga gurmadka fatahaadda Baladweyne, Masuuliyiin ka tirsan Hir-shabeelle iyo madax kale oo ka tirsan dowladda federaalka.

Guddiga gurmadka Fatahaadda Baladweyne waxay inoo sheegeen in lacagtaasi 1.5-ta Milyan ee Doollar ee uu Shiinuha ku deeqay aysan soo gaarin, islamarkaana wax xog ah ayan ka helin halka ay martay.

Madax sare oo ka tirsan Hir-shabeelle oo ka cudur daartay in magacyadooda la shaaciyo ayaa HOL u sheegay in lacagahaasi loo isticmaalay wax ka badalan ujeedkii ay dowladda Shiinuhu ugu deeqday dowladda Federaalka.

"Waxaan xog lagu kalsoonyahay ku helnay in lacagtaasi 1.5-ta Milyan oo Doollar lagu bixiyay Sharci yaqaannada gacanta ku haya kiiska Dacwadda badda ay Soomaaliya geeysay Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda," Ayuu yiri sarkaal ka tirsan Hir-shabeelle oo u waramay HOL.

 

Dowladda Soomaaliya wax faahfaahin ah kama bixin ujeedooyinka loo isticmaalay lacagahaasi. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo aan xiriir kala sameynay arrintan ayay inoo suurogeli weysay in aan faahfaahin ka helno.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa ayadoo dhawaan guddiga fatahaadda Baladweyne iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka Hiiraan ay dowladda ku dhaliileen in aysan fatahaadda Baladweyne u wajihin sidii laga filayay islamarkaana aan la garanayn halka ay ku danbeeysay lacag dhan $500,000 oo ay hore warbaahinta uga sheegtay dowladda in ay ugu deeqday Fatahaadda Baladweyne.

Hiiraan Online News Desk