4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 9 , 2020
Ciidamada Itoobiya oo qirtay inay soo rideen diyaaraddii kusoo dhacday Bardaale
 

Sabti, May 9, 2020 (HOL) - Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa qirtay inay toogteen diyaarad xamuul oo ay lahayd Keny, taasoo keentay lix dhimasho ah, sida uu qoray wargeyska caanka ah ee Daily Nation.

Warbixin uu soo gudbiyay Taliyaha Qeybta III ee Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada ku sugan Bardaale, oo 300km waqooyi-galbeed ka xiga Muqdisho aysan ka warqabin wax duullimaad rayid ah oo soo gala waqtigaas.

"Ma jirin wax macluumaad ah oo sheegaya in diyaaradda ay kusii jeeday Bardaale. diyaaradda ayaa ka duushay meel caadi ah oo ay si isdaba joog ah ugu sii dhowaatay dhulka," ayay yiraahdeen ciidamada Itoobiya.

Ciidamada ayaa ka shakiyay in diyaaradda ay ahayd mid ismiidaamin ah oo ay dooneysay bartilmaameed si ay u weerarto. Sababtaas awgeed ayay ciidamada Ethiopia u toogteen unasoo rideen diyaaradaan oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha Aftican Express Airways.

Sheegashaan ayaa timid xilli dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ay iska kaashanayaan baaritaanka sababtii ka dambeysay in ay soo dhacdo diyaaradaan, isniintii todobaadkii hore.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online