4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2020
Beesha Caalamka oo Soomaaliya deeq ahaan u siineysa 16 milyan oo doollar
 

Jimco, May 8, 2020 (HOL) - Beesha caalamka ayaa ka hadashay dhaqaale Soomaaliya loogu yaboohayo oo gaaraya 16 milyan oo doollar, lacagtaas oo qaar kamid ah loogu tala-galay la dagaallanka xanuunka COVID-19 sida uu sheegay danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto .

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu saxaafadda ugu qabtay khadka Online-ka ah Khamiistii shalay ayaa waxa uu tilmaamay in lacagtaasi ay bixinteeda iska kaashan doonaan beesha caalamka sidii Soomaaliya ay awood ugu heli laheyd maareynta xanuunka Coronavirus.

Danjire Yamamoto ayaa intaa ku daray in kaalmadaan ay noqon doonto mid leh laba weji , waatan koowaade in Dowladda Soomaaliya ay kula dagaallanto xanuunka COVID-19 iyo wejiga labaad oo ah in lagu xoojiyo miisaaniyadda dalka maadaama saameyn dhaqaale uu ku yeeshay xanuunkan.

“Lacagtaan taageerada ah maaha mid keliya ka imaaneysa Mareykanka ee waxaan la kaashaneynaa dhinacyo kale” ayuu yiri Donald Yamamoto.

Waxa uu sidoo kale qeexay in dowladda Mareykanka Soomaaliya ay ku garab istaageyso fududeynta lacagaha amaahda ah ee lagu leeyahay Waddanka, iyadoo la kaashanayo saaxiibada beesha Caalamka iyo Bankiga adduunka iyo hay’adda Lacagta dunida ee IMF.

Dhinaca kale wuxuu ka gaabsaday su’aal ay weydiisay HOL oo aheyd “ Mar haddii Soomaaliya dagaalka Al-shabaab uu waqti soconayay , miyaa la gaaray xilligii lala wada fadhiisan lahaa, oo xalka wada hadal lagu raadi lahaa?’

Jawaabta su’aashaas iyo kuwa kel oo ay kamid aheyd “ Mareykanka diyaar ma u yahay bixinta magta dadka rayidka ah oo ay diyaaradihiisa dileen?” waxa uu sheegay in su’aalahaasi uu u celinayo howlgalka Mareykanka ee Afrika {Africom}, waxa uuna sheegay in isaga uusan ka jawaabi Karin.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho