4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2020
Turkiga oo wajahaya hoos u dhac weyn oo ku yimid lacagtiisa Lira
 

Jimco, May 8, 2020 (HOL) -Lacag dalka Turkiga ee Lira ayaa qiimaheedu hoos u dhacday iyadoo ganacsatada ay ka walaacsan yihiin saameynta dhibaatada coronavirus ku yeelan karto dhaqaalaha Turkiga iyo siyaasadaha Ankara.

Lacagta Lira oo halkii dollar lagu kala sarifanayay  7.23,  ayaa hoos u dhacday 0.6% wax yar ka hor 10-kii subaxnimo ee maalintii shalay oo khamiis ahayd, ka dib markii uu gaaray rikoor ka hooseeya 7.24, halkii dollar.

Waa hoos u dhicii ugu weynaa ee lacagta turkiga tan iyo intii lagu gudajiray qalalaasihii lacagta ee 2018 markii Turkigu uu dhibaatooyin cakiran uu la galay Mareykanka.

Garsoorayaasha Turkiga ayaa ka mamnuucey bangiyada maxalliga ah inay la ganacsadaan Citigroup Inc., UBS Group AG iyo BNP Paribas ka dib markii bangiyadaas awoodi waayeen inay gutaan waajibaadka sharci ee Turkiga waqtigii loogu talagalay.

Walaacyada suuqyada waxaa curyaamiyay hadalada ka yimid sharci dejiyaasha Maraykanka, kaas oo ganacsatada ay u fasirteen inuu meesha ka saarayo khadkii isweydaarsiga oo ah nooc ka mid ah isku-beddelashada lacagta ee uu isticmaalo baanka dhexe ee waddanka si uu ugu beddelo qulqulka lacagtiisa bangiga dhexe ee waddan kale.

Wasiirka Maaliyadda ee Turkiga Berat Albayrak ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wada-hadal uu la yeeshay maal-gashadayaasha Arbacadii oo ku saabsanaa in la sameeyo heshiis isku-beddelasho ah oo lagu beddelayo maal-gelinta.

Berat Albayrak ayaa ku adkeystay kaydka Turkiga inuu ku filan yahay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa diiday ikhtiyaarka uu ku weydiisanayo Sanduuqa Lacagta Adduunka caawimaad.

Wakaaladda wararka ee Turkiga Anadolu ayaa Arbacadii ku eedeysay hay'adaha maaliyadeed ee London in ay  khalkhal gelinayaan lacagta Turkiga Lira.

Turkey waxay sheegeen inay ciqaabi doonaan hay'adaha ku faafinaya macluumaad been ah ama marin habaabin ah suuqyada maaliyadeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online