4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 8 , 2020
Guddiga Gurmadka Fatahaadda Baladweyne: Dowladdu Waxaan Jawaanno Ciid ahayn kama heeyno
 

Jimco, May 8, 2020 (HOL) - Ayadoo magaalada Baladweyne ay ka taagantahay cabsi laga qabo in uu fatahaad sameeyo webiga Shabeelle islamarkaana ay socdaan dadaallo looga hortagayo fatahaadda webiga, ayaa guddiga gacanta ku haya howshaasi ee gurmadka Fatahaadda Balaweyne waxa ay sheegeen in muruq iyo maalba ay isugu geeyeen sidii loo xannibi lahaa goobaha uu webiga kasoo fataho.

Guddiga ayaa sheegay in ay ku guuleeysteen in ay xiraan meel la yiraahdo hilikiliyo oo dhanka waqooyi 8 km ka xigta magaalada Baladweyne, halkaasoo ay sheegeen in ay ka shaqeeynayeen 11 Cisho, Laguna guuleeystay in la xiro qiyaastii 5km oo ay biyaha webiga kasoo fatahmi jireen.

Waxa uu xusay in ay sidoo kale wadaan dadaallo la doonayo in magaalada looga badbaadinayo fatahaad lamid ah tii sanadkii hore.

Gudoomiyaha guddiga gurmadka fatahaadda Baladweyne Xaaji Cismaan Dhagaxoow oo wareeysi siiyay VOA ayaa xusay in dhaqaalaha ku baxaya howlaha ay wadaan ay tahay dhaqaalihii gurmadka ahaa ee ay sanadkii hore ku deeqeen shacabka Soomaaliyeed ee guddiga soo gaaray, waxaana uu intaa ku daray in lacagaha ay guddiga hayaan ay gaarayaan $530,000 oo uu ogyahay maamulka gobolka, cid wax ku dartayna aysan jirin.

Waxa uu sheegay in wafdigii ka socda dowladda ee jawaannada geeyay Baladweyne iyo masuuliyiin ka socotay xafiiska raysul wasaaraha oo halkaasi ku sugan aysan ilaa hadda wax qorshe ah oo ku aadan dadaallada socda aysan la imaan.

Gudoomiyaha Guddiga ayaa meesha ka saaray jiritaanka wax taageero ah oo ka yimid dowladda federaalka oo ku aadan dadaalada kahortagga ah ee ay guddiga iyo shacabka deegaanka iska kaashanayaan.

Waxa uu xusay in marka laga reebo 500 oo jawaan oo carro lagu shubo oo ay dowladdu diyaarad ku keentay Baladweyne in aysan jirin wax taageero kale ah oo ay ka geysteen dadaallada socda.

Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in lacago ay dowladdu shaacisay in ay Fatahaaddii Baladweyne ugu deeqday sanadkii hore aan ilaa hadda la ogeyn halka ay mareen.

"Sanadkii hore dowladdu waxay sheegtay in ay ku yabooheen $500,000, shantaasi boqol oo kun ilaa hadda ma heeyno, mana soo gaarin gobolka, dhowr Jeerna waan ka hadalnay cid ka jawaabtana ma arag,"ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii raaciyay.

Bulshada Soomaaliyeed iyo cid walba oo ka qeyb-qaadan karta dadaallada socda ayuu ugu baaqay in ay gacan ka geeysato.

Dadaalladan socda ayaa kusoo beegmaya ayadoo webiga Shabeelle uu buuxdhaafiyay kuna fatahay qeybo kamid ah magaalada Baladweyne, waxaana dadka Soomaaliyeed ay isweeydiinayaan doorkii dowladda federaalka ee arrimaha ka taagan Baladweyne oo ay ahayd in laga sii gaashaanto balse aan ilaa hadda wax tallaabo muuqata oo waxtar leh loo qaadin.

Hiiraan Online News Desk