4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 7 , 2020
Ciyaaryahan caan ku ahaa kubadda cagta Soomaaliya oo Afgooye lagu dilay
 

Khamiis, May 7, 2020 (HOL) - Caawa waxaa  degmada Afgooye lagu dilay AUN  Cabdiweli Colaad Qanyare oo loo yaqaannay "Gaatamow' oo kamid ahaa ciyaartooyada kubadda cagta ee dalka.

Cabdiweli Gaatamow ayaa lagusoo warramayaa in ay toogteen dabley hubeysan kadib markii uu kasoo baxay salaaddii maqrib masjid uu kusoo tukaday.

Waxa uu horay gool-haye ugusoo noqday kooxda kubadda cagta ee Banaadir Telecom oo ka dhisan caasimadda Soomaaliya.

Ilo ku sugan Afgooye oo la hadlay HOL ayaa waxay tilmaameen in dhowaan lagu marti-qaaday tartan kubadeed oo magaaladaasi ka dhacayay bisha Soon-qaad, wuxuuna leylinayay mid kamid ah kooxaha ka qeyb-galaya.

maruumka ayaa waxa uu ahaa shakhsi aad looga jeclaa dalka,  gaar ahaan dhanka Sport-ga .

Ma jiraan war kasoo baxay laammaha ammaanka Afgooye oo ku aaddan dilka loogu geystay caawa halkaasi ciyaaryahankaas.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho