
newsinsideCabdiweli Gaatamow ayaa lagusoo warramayaa in ay toogteen dabley hubeysan kadib markii uu kasoo baxay salaaddii maqrib masjid uu kusoo tukaday.
Waxa uu horay gool-haye ugusoo noqday kooxda kubadda cagta ee Banaadir Telecom oo ka dhisan caasimadda Soomaaliya.
Ilo ku sugan Afgooye oo la hadlay HOL ayaa waxay tilmaameen in dhowaan lagu marti-qaaday tartan kubadeed oo magaaladaasi ka dhacayay bisha Soon-qaad, wuxuuna leylinayay mid kamid ah kooxaha ka qeyb-galaya.
maruumka ayaa waxa uu ahaa shakhsi aad looga jeclaa dalka, gaar ahaan dhanka Sport-ga .
Ma jiraan war kasoo baxay laammaha ammaanka Afgooye oo ku aaddan dilka loogu geystay caawa halkaasi ciyaaryahankaas.
Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho