4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 7 , 2020
Qaar kamid ah golaha wasiiradda Puntland oo laga helay cudurka Coronavirus
 

Khamiis, May 7, 2020 (HOL) - Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa sheegay in labo Xubno ka mid ah Golaha wasiiradda Puntland laga helay Covid-19.

Labadaan xubnood ayaa qeyb ka ah sideed qof oo maanta laga helay cudurka ka dib markii baaritaan lagu sameeyay 22 Qof.

Wasiirka caafimaadku ma shaacin xog intaas ka badan oo ku saabsan wasiiradda laga helay cudurka Covid19, balse wuxuu sheegay in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay.

Dadka helay cudurka ayaa 4 kamid ah laga diiwaan galiyay magaalada Qardho. Gaalkacyo ayaa labo xaaladood laga helay halka labada kalena laga helay Garowe.

Wasiirka caafimaadka ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in dad badan oo lagu arkay calaamadaha Covid19 ay ku dhinteen Bosaso iyo meelo kale iyagoo aan wax baaritaan ah marin.

Tirada guud ee dadka qaba cudurka Coronavirus ayaa gaartay 59, halka dhimashadu marayso labo qof.

Qofkii labaad ayaa maanta u geeriyooday cudurka, wuxuuna ahaa kormeerihii wasaaradda waxbarashada Puntland ee Gobolka Nugaal.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online