4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 7 , 2020
Ganacsatada Beledweyne oo bilaabay dadaallo lagu xakameeynayo fatahaadda Beledweyne


Khamiis, May 7, 2020 (HOL) - Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka geeystay meelo kamid ah magaalada Beledweyne ayaa ganacsatadu waxaay ku hoowlanyihiin in ay biyaha ka xakameeyaan xaafadaha aysan weli gaarin fatahaadda Beledweyne.

Goobaha biyaha laga xiray waxaa kamid ah; deegaanka Hilikiliyo oo 7km dhanka waqooyi ka xiga magaalada Beledweyne, waxaana dhanka kale lagu wadaa in biyaha wabiga laga sii daayo kiliga Waraaboolee oo dhanka koofur-galbeed ka xiga Beledweyne.

Gudoomiyaha guddiga kahortagga fatahaadda Beledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxoow ayaa sheegay inay wadaan dadaallo ku aadan xakameeynta biyaha, waxaana shacabka uu kula dardaarmay inay ka qeyb-qaataan howlaha socda.

“Waxaan wadnaa inaan biyaha ka xakameeyno xaafadaha Beledweyne, waxaan hakinnay biyihii kasoo bixi jiray deegaanka Hilikiliyo oo dadka barakicin jiray, sidoo kale waxaan dadaal ka wadnaa inaan biyaha ka fasaxno kiliga Waraaboole, waxaan rajo wanaagsan ka qabnaa inaan biyaha ka xakameeyno xaafadaha aaysan weli gaarin,” Ayuu yiri Dhagaxoow.

Dadka qaarkood ayaa ganacsatada ku dhaliilay in xilligan oo fatahaad ay jirto inay bilaabeen dadaaladan, islamarkaana laga rabay in xilli hore ay u diyaar garoobaan ka hortagga fatahaadaha.

Guddiga ka hortagga fatahaadda ayaa ku shaqeeya lacagihii 6 bil kahor loogu deeqay dadkii ay saameeysay fatahaadii ka dhacday Beledweyne.

Hiiraan Online, News Desk