4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 7 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo dadaal adag ku bixineysa, sidii magaalada Beledweyne looga badbaadin lahaa fatahaad ku dhufata


Khamiis, May 7, 2020 (HOL) - Xukuumadda Soomaaliya ayaa wadda dadaallo xooggan oo ku aaddan sidii magaalada Beledweyne looga hortagi lahaa daadad uu kusoo rogo webiga shabeelle, taas oo saameysa shacabka kunool.

Dowladda ayaa qorsheysay dhismaha darbi adag oo biyaha aysan ka dusi Karin , iyadoo kaashaneysa maamulka Gobolka Hiiraan iyo shacabka Magaaladaasi.

Waxaa maanta gaartay  diyaaraddii ugu horreysay ee sidda qalabka lagu dhisayo darbiga Beledweyne, iyadoo ka duushay magaalada Muqdisho, waxayna billow u tahay qorshaha dowladda ee ah 10 duullimaad oo qalabka dhismaha darbiga loogu tala-galay halkaasi lagu geynayo.

Wasiirka boostada iyo is-gaarsiinta Soomaaliya Eng-Cabdi Canshuur Xasan oo shaqadan aad ugu howlan ayaa waxa uu HOL u sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’antahay sidii xal loogu heli lahaa magaalada Beledweyne in mar kale aysan ka dhicin fatahaadihii hore oo kale, islamarkaana la badbaadiyo shacabka iyo hantidooda.

“Dowladda Soomaaliya waxay ku dadaaleysaa sidii loo badbaadin lahaa shacabka magaaladaasi, waxaana ka shaqeyneynaa dhismaha darbigaas biyaha lagu celinayo, waxaa ka wada shaqeyn doona shacabka iyo ciidamada, waxaa Afur iyo saxuurba loogu geyn doonaa halka ay shaqadu ka socoto” ayuu yiri Wasiir Eng.Cabdi Canshuur.

Dhowaan ayeey aheyd markii Wafdi wasiirro ah ay gaareen magaalada Beledweyne, waxayna halkaasi geeyaan Injineerro ka shaqeynaya sidii loo sameyn lahaa gidaarkaasi biyaha looga celinayo magaalada Beledweyne.

CabdicasiisAxmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho