4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 7 , 2020
Wasiirkii hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka Hirshabeelle oo geeriyooday iyo madaxweyne Waare oo ka tacsiyeeyay
 

Khamiis, May 7, 2020 (HOL) - Wasiirkii hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka Hirshabeelle xildhibaan Axmed Cumar Gaaboow ayaa ku geeriyooday magaalada Jowhar oo maalmahaan uu ku xanuunsanaa.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray eheladii iyo golayaasha kala duwan ee maamulka ee uu ka geeriyooday xildhibaan Axmed Cumar Gaaboow.

“Alle ha u naxariisto wasiir/xildhibaan Axmed Cumar, wuxuu ahaa nin karti iyo daacadnimo ku sifoobay, markii aan maqlay inuu geeriyooday aad ayaan uga naxay, waxaan ilahaay uga baryayaa inuu janada ka waraabiyo, ehelkiisa iyo dhamaan maamulka Hirshabeelle samir alle haka siiyo”. Ayaa lagu yiri war-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay xafiiska madaxweyne Waare.

Inkastoo aan lacadeeyn xanuunka uu u geeriyooday wasiirka ayaa hadane masuuliyiin kamid ah maamulku waxaay inoo sheegeen in lagu arkay calaamado muujinaya Fayriska Karoona uu ku faafaya  Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa Hirshabeelle ku biiray markii la’aas aasay oo laga joogo ku dhawaad 4 sano, waxaana mudooyinkii dambe uu ahaa wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka Hirshabeelle.

Hiiraan Online, News Desk