4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 7 , 2020
Masuul katirsan Puntland oo u geeriyooday cudurka Coronavirus
 

Khamiis, May 7, 2020 (HOL) - Kormeerihii waxbarashada gobolka Nugaal ee dowlad goboledka Puntland  Cumar Guure ayaa maanta u geeriyooday cudurka Coronavirus, sida ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen masuuliyiin latirsan Puntland.

Masuulkaan ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku jiray xarunta lagu hayo dadka qaba Covid19 ee magaalada Garowe, kadib markii laga helay cudurka safmarka ee Coronavirus.

Waa masuulkii ugu horeeyay ee katirsan Puntland oo cudurka u geeriyooday.

Hiiraan Online, News Desk