4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 6 , 2020
Puntland: Kiisaska covid19 oo sii kordhaya xilli shacabku si dhab ah ugu baraarugsanayn halista cudurka
 

Arbaco, May 6, 2020 (HOL) - Puntland ayaa diiwaan galisay 13 kiis oo ku saabsan cudurka Coronavirus, sida lagu sheegay warbixin cusub oo caawa kasoo baxday guddiga Puntland u qaabilsan xakamaynta faafitaanka Covid19.

10 kamid ah dadka laga helay cudurka ayaa laga diiwaan galiyay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, halkaas  oo ah meesha laga helay tirada ugu badan dadka uu ku dhacay cudurka Covid19.

Saddexda soo hartay ayaa laga diiwaan galiyay magaalada Qardho, waxaana xusid in Qardho kiisaska cudurka ay ku bilowdeen kadib markii ay halkaas iskugu tageen boqolaal qof oo isugu jiray masuuliyiin iyo shacab u tagay gurmadka daadadka magaalada kusoo rogmaday.

Sida lagu xusay warbixinta, Ma jirto dad cusub oo ka kacay cudurka ama u geeriyooday. Marka laga reebo labo qof oo midna uu ka bogsaday midna uu u geeriyooday oo hore xogtooda loo shaaciyay.

Puntland, sida muuqata cudurka 24 saacba waxaa guddigu shaacinayaa kiisas cusub. Welina dadku si dhab ah uguma baraarugsana halista cudurka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online