4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 6 , 2020
Xaafadda Islii oo lagusoo rogay Bandow, ma jiri doonto muddo 15 maalin ah cid galeysa iyo dad ka bixi doona toona
 

Arbaco, May 6, 2020 (HOL) - Xaafadda Islii oo ay Soomaalidu  ka degto magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya  ayaa waxaa lagusoo rogay Bandow  soconaya muddo 15 maalin ah , sida uu sheegay wasiirka caafimaadka dalkaasi Mutahi Kagwe.

Islii oo maalmihii lasoo dhaafay laga helay kiisas badan oo ah xanuunka COVID-19, ayaa waxa uu sheegay wasiirka caafimaadka Kenya in muddadaasi aan la ogoleyn in la galo iyo in laga baxo labadaba, waxa uuna bandowgaasi dhaqan-geliyaa caawa 7:00pm xilliga maxalliga ah ee dalkaasi.

Xaafadda ayaa sidoo kale ah mid kamid ah suuqyada ugu waaweyn ee Kenya, waxaana loogasoo dukaameysi tagaa waddamada bariga Afrika, waana meel ay si ballaaran ay u maal-geliyeen Soomaalida dalkaasi ku nool iyo qurba-joog ka timid waddamada reer galbeedka.

Dhowaan ayeey xukuumadda Nairobi sheegtay in xaafadda laga diiwaan-geliyay hal maalin gudaheed 29 kiis oo ah COVID-19, taas oo dhalisay walaac dhinaca caafimaadka ah.

Dhinaca kale Kenya ayaa maanta oo keliya waxaa lagasoo sheegay 47 xaalad oo cusub. Wasaaradda caafimaadka ayaa tilmaantay in 32 xaalad lagasoo sheegay Mombasa , 11 kiisna magaalada Nairobi, halka dhowr qof oo kalana lagasoo sheegay gobollo kale.

Wararka ayaa sidoo kale intaas ku daraya in laba qof oo jiray  68 iyo 76 sano ay xanuunka ugu dhinteen guryahooda oo ku yaallay magaalada loo dalxiis tago ee Mombasa, taas oo walaaca kor usii qaadeysa , sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho