4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 6 , 2020
Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo amray in biyaha lagasaaro goobaha aay biyuhu ka fariistaan magaalada Jowhar


Arbaco, May 6, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeeray xaafadaha magaalada Jowhar, waxaana si gaar ah uu ugu kuurgalay meelaha aay fariistaan biyaha roobabka

Madaxweyne ku xigeenka meelaha uu soo kor-meeray xaafadaha  ay ka mid yihiin Horseed, Kulmis iyo Buulo shiiq, sidoo kale waxaa uu qiimeeyn ku sameeyay roobabka iyo saameeynta aay geeysteen.
 
Mudane Guudlaawe ayaa waxaa uu amar ku bixiyay in biyaha laga saaro goobaha ay biyaha soo galeen.

Roobab xoogan ayaa ka da’ay magaalada Jowhar iyo deegaanada u dhadhaw, waxaana aay daadad  ku rogeen xaafadaha iyo wadooyinka magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Hiiraan Online, News Desk