4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 6 , 2020
Hay’adda IRC oo ka walaacsan xaaladda Soomaaliya iyo fiditaanka COVID-19
 

Arbaco, May 6, 2020 (HOL) - Warbixin ay soo saartay hay’adda IRC ayaa waxey sheegtay in ay ka walaacsantahay xaaladda caafimaad ee Soomaaliya , iyadoo la xaqiijiyay guud ahaan dalka in ka badan 750 xaalad oo ah xanuunka COVID-19, sida ay hay’addaasi ku sheegtay warbixin ay sii daaysay maanta oo Arbaco ah.

“IRC waxay diyaarineysaa kooxo caafimaad oo la siinayo tababar dheeri ah, si ay qeyb uga noqdaan baaritaannada lagu sameynayo dadka ay kasoo muuqdaan calaamadaha Coronavirus si loo karaantiilo, sababa la xiriira in aanu fidin xanuunka “ ayuu yiri Richard Crothers oo ah madaxa IRC ee Soomaaliya .

Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in guud ahaan xaaladda dalka ay aad uga walaacsanyihiin ka hay’ad ahaan marka loo eego tirada dadka uu xanuunka soo ridanayo.

”IRC si daran ayeey uga walaacsantahay Soomaaliya oo uu aad hadda xanuunka u faafayo COVID-19” . ayuu hadalkiisa ku daray.

“Shaqaalaha caafimaadka ee hay’adda ayaa waxay dadka leh caalamadaha Coronavirus u sheegayaan in ay joogaan guryahooda, kuwaas oo hadda xanuunsanaya, taasi waxay na tuseysaa in warbixinnada dadka laga diiwaan-gashay marka laga yimaado ay jiri karaan kiisas kale oo aan la ogaan”. Ayeey IRC warbixinteeda ku dartay

”Marka laga hadlayo bulshada Soomaaliyeed horay ayeeyba u qabeen dhib ku filan, sanadkii lasoo dhaafay oo keliya waddanka waxaa ku dhuftay abaaro xooggan, waxaana usii raacay daadad lixaad leh, waxayna sidoo kale dadka aad u saameeyay Ayax kacay oo xooggan marka loo eego rubuc qarni midkii ugu saameynta badnaa, haddana safmarka Coronavirus wuxuu saameeyay dhaqaalihii dalka” ayuu mar kale yiri Richard Crothers

Sanado  colaadaha jiray, abaaraha soo laa-laabtay iyo daadadku waxay qasab ka dhigeen in shan milyan oo Soomaali ah ay guryahooda ka barakacaan, una baahdaan gargaar bani-aadanimo.

Dadka barakacay oo badi ku nool xerooyin ku yaalla Muqdisho, waxay wajahayaan xaalad nololeed oo adag, sida biyo la’aan, faya-dhowr xummo,  waxayna markasta u nugulyihiin cudurrada maadaama hay’addu ay sheegtay in badi jirkoodu uusan laheyn difaac adag

Hay’adda IRC ayaa codsatay lacag dhan 30 milyan oo dollar si ay wax uga qabato xanuunka COVID-19 ee caalamka kusii fidaya, iyadoo lacagtaasi u adeegsandoonta dhinaca caafimaadka goobaha ay ku suganyihiin dadka nugul

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho.