4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 6 , 2020
Ilhaan Cumar oo dalbatay in jawaab laga bixiyo khasaaraha rayidka ee duqeymaha Africom
 

Arbaco, May 6, 2020 (HOL) - Xildhibaan Ilhan Omar oo katirsan golaha kongareeska Maraykanka ayaa hogaamineysa toddobo wakiil oo Dimoqraadi ah, oo saxiixay warqad taliska ciidanka Maraykanka looga dalbanayo inay sharaxaan farqiga u dhaxeeya khasaaraha rayidka kasoo gaara duqeymaha, kuwaas oo ay diiwaan galiyaan ururada xuquuqul insaanka iyo kuwa AFRICOM qiratay.

Farqiga u dhexeeya tirada khasaaraha rayidka ah ee ay shaacisay AFRICOM marka la barbar dhigo kuwa ay sheegaan ururro ay ka mid yihiin Amnesty International iyo Airwars waa mid aad u ballaaran oo ay ku kalliftay xubnaha Golaha inay si toos ah warqad ugu qoraan Taliyaha Guud ee Mareykanka.

Khasaaraha dadka rayidka ah ee ku nool Soomaaliya ayaa sii kordhayay tan iyo markii maamulka Trump uu siiyay taliyayaasha AFRICOM dabacsanaan badan si ay u fuliyaan weerarro ka dhan ah xagjiriinta looga shakisan yahay Al-shabaab.

Dhamaadkii bishii Maarso, taliska ayaa go’aansaday inuu soo saaro warbixinno rubuc-bille ah oo ku saabsan waxyeelada loo geysto dadka rayidka ah ee Afrika.

"Waxaan soo dhoweyneynaa talaabadan si loo helo daah furnaan iyo diiwaan galinta dadweynaha khasaaruhu kasoo gaaro howlgalada militariga Mareykanka iyo yareynta dhibaatooyinka shacabka," ayaa lagu yiri warqada.

Toddobaadkii hore AFRICOM ayaa siidaysay warbixintii ugu horreysay. Waxayna sheegtay 14-kii bilood ee la soo dhaafay inay ka fulisay Soomaaliya weeraro xagga cirka ah oo ka dhacay Soomaaliya iyo Liibiya (87) ka mid ah waxaa lagu fuliyay gudaha Soomaaliya, afar ka mid ahna Liibiya.

LT Christina M. Gibson, af-hayeenka AFRICOM ayaa sheegay 91 kamid ah weerarrada cirka ah ee AFRICOM in ay ka yimaadeen 70 eedeymo ah oo ku saabsan 27 ka mid ah inay waxyeelo kasoo gaartay shacabka ay ku dhawaad 90 qof.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online