4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 6 , 2020
Guddoomiyaha Degmada Dayniile oo ka hadlay xabsi qarsoodi ah oo la sheegay inuu sameystay maamulkiisa
 

Arbaco, May 6, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay eedo dhalinyaro deegaanka ah ay horay ugu jeediyeen Maamulkiisa oo ku saabsan in uu degmadaasi ka sameystay xabsi qarsoodi ah oo lagu dhibaateeyo dadka ka aragtida ah.

Guddoomiye Jacfar oo ay saxaafaddu weydiisay su’aalo dhowr ayaa sheegay in uusan jirin xabsi gaar ah oo aysan la socon dowladda Soomaaliya, balse mar wax laga weydiiyay waxa ka jira dhismaha la yiraahdo “Cusboole” oo dhowaan muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, lagusoo bandhigay iyadoo lagu jirdilayo wiil dhalin-yaro ah oo biyo lagu shubayo ayaa waxa uu ku jawaabay in halkaasi ay tahay saldhiggii degmada Dayniile balse la geeyo dadka maamulka ka shaqeeya oo ay wax dhex maraan.

“Wax ka jiro ma jiraan eedahaasi, cid halkaan shacab ku dhibaateysana malaha, innaga waxaan u taagannahay waa shacbiga, wixii hor’umar ah oo ay u baahanyihiinna aan u qabanno,dhalinyarada ka hadleysay wey isoo gaareen laftirkeygu, waana isoo gaareen wararkoodu , horta maaheyn shacab loogu tagay bannaanka ee waxay aheyd dhalinyaradii ka shaqeyneysay Maamulka degmada, waxayna ahayd wax iyaga dhexdooda ka dhacay ee maahayn wax shacab bannaanka loogu tagay” ayuu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha Dayniile Jacfar.

Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu yiri  " Xabsi la yiraahdo Cusboole oo maamulka degmada u gooni ah ma jiro, horta xabsigaan laguu sheegayo oo lagu leeyahay Siyaad Barre ayuu ka yimid iyo xilli hebel ayuu ahaay iyo waa halkii uu ku yaallay saldhiggii rasmiga ahaay ee degmada Dayniile, mana ahan xabsi cid gooniya u sameysan,  cid lagu ciqaabo iyo cid lagu dhibaateeyana ma jirto, sidiisana hadda waxaa loo isticmaalaa waa ciidanka degmada khaladaadka ay sameeyaan, waxyaabo noocaas ah ayaa la geeyaa, ciddii shacab ahna waxaa la geeyaa saldhigga kale”.

Guddoomiyaha degmada Dayniile ayaa shirkiisan jaraa’id wuxuu uga jawaabayay eedo dhalinyaro degmada ku nool ay horay ugu jeediyaan, kuwaas oo qaar kood Warbaahinta ka hor sheegay in loo jirdilay sababo la xiriira aragti ay ku qoreen Facebook-ga, hase-ahaatee waxaan la ogeyn in jawaabta uu maamulka Dayniile bixiyay tahay mid hoos u dhigeysa saameynta ka dhalatay muuqaalladaasi lagu baahiyay baraha bulshada oo dad badani ay aragti ahaan aad uga horyimaadeen.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho