4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 6 , 2020
Maamulka gobolka Banaadir oo faahfaahin ka bixiyay qarax qasaaro geeystay oo ka dhacay Yaaqshiid
 

Arbaco, May 6, 2020 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay bam gacmeed xalay lagu weeraray waaxda Horseed ee degmada Yaaqshiid.

Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in hal askari uu ku dhintay bambadaas islamarkaana ciidanka degmadu aay ku guuleeysteen inaay gacanta ku soo dhigaan qofkii bambada tuuray.

“Caawa fiidkii waxaa bam gacmeed lagu tuuray waaxda Horseed ee degmada Yaaqshiid, bamkaas waxaa nooga shahiiday hal askari, sidoo kale ciidanka amnigu waxaay qabteen qofkii bambada tuuray." ayuu yiri Tuulax

Dhanka kale gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir ayaa shacabka gobolka ugu baaqay inaay garab siiyaan laamaha amniga, wuxuuna sheegay in aay muhiim tahay in bulshadu aay kaalin weyn ka qaataan sidii looga guuleeysan lahaa kooxaha amni darada ka geeysta gobolka Banaadir.

Waa markii labaad oo gacanta lagu dhigo qof bam-gacmeed ku tuuray xarumaha maamulka iyo ciidamada degmada sida aay xaqiijiyaan masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

Hiiraan Online, News Desk