4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 6 , 2020
Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo ka qeyb qaadanaya sidii loo ogaan lahaa waxa sababay shilkii diyaaradeed ee Bardaale
 

Arbaco, May 6, 2020 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay diyaaradii samafalka siday ee ku burburtay Soomaaliya, halkaas oo ay ku dhinteen lix qof oo saarnaa diyaarada oo ku sii jeedday Bardaale, oo qiyaastii 55 Km waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur Galbeed, Soomaaliya.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay wax kasta ku bixindoonto sidii loo ogaan lahaa waxa sababay musiibadaas.

“Annaga oo ah qoyska Qaramada Midoobay, waxaan sameyn doonaa wax kasta oo aan kari karno si aan uga caawino mas'uuliyiinta dowladda dhexe iyo kuwa Koonfur Galbeed in ay fahmaan waxa sababay musiibadaas. Waxaan sii wadi doonnaa dabagalka horumarkaas muhiimka ah,”  Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, howlgalka midowga Afrika ee Amisom ayaa soo dhoweeyay go'aanka ay gaareen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Kenya, iyo Itoobiya ee ku saabsan baaritaanka shilka.

Madaxa howlgalka AMISOM, Danjire Francisco Madeira, ayaa yiri "Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wada shaqeynta aan la leenahay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaanan taageeri doonnaa oo aan fududeyn doonnaa baaritaannada looga golleeyahay caddeynta duruufaha ku xeeran dhacdadan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online