4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 5 , 2020
29 kiis oo COVID-19 ah oo laga helay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi
 

Talaado, May 5, 2020 (HOL) -Wararka la xariira xaaladda Kenya iyo xanuunka COVID-19 ayaa waxay sheegayaan in ay kor u kaceen xaaladaha cusub ee waddankaasi kusoo kordhaya,  iyadoo maanta oo qura  la helay kiisas badan.

Wasaaradda caafimaadka Kenya oo dhowaan sii daaysay warka xaaladahan cusub la xiriira ayaa waxay tilmaantay in maanta oo keliya dalkaasi laga helay kiisaska 45 qof, .29 kamid ah waxaa laga helay xaafadda Eastleigh oo ay ku noolyihiin Soomaalida ugu badan ee ku sugan caasimadda Nairobi.

Warka wasaaradda caafimaadka Kenya ay sii daaysay ayaa lagu yiri "Ma jiro cid uu si gaar ah xanuunkaan u yaqaan sidaas darteed yaaney dhicin dad loo takooro".

Guud ahaan Kenya ayaa xaaladaha laga helay wadar ahaan isu-geynta waxay gaarayaan 535 ruux sida ku cad diiwaanka wasaaradda caafimaadka .

Xaafadda Eastleigh oo ah suuq ganacsi oo xooggan waxaa muuqanaya in hadda dowladda Kenya ay u yeelaneyso Il gaar ah,  iyadoo bilowday in dadka lagu sameeyo baaritaan looga hubinayo xanuunka COVID-19.

Xaafadda Eastleigh ayaa kiisaskaan laga helay,  iyadoo si rasmi ah uu u saaranyahay bandow ka jira xilliyada habeenkii ah,  kaas oo ay horay dowladda u saartay si loo xakameeyo fiditaanka xanuunka safmarka ah ee Coranavuris.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho