4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 5 , 2020
Wasiirka qorsheynta Soomaaliya oo sheegay in xal waara laga gaari doono fatahaada Beledweyne


Talaado, May 5, 2020 (HOL) - Wafdi wasiiro ah oo kasocday xukuumada Soomaaliya ayaa maanta safar kooban ku tagay magaalada Beledweyne, waxaana ujeedadu aay ahaayd sidii aay u kormeeri lahaayeen wabiga Shabeelle iyo sida rasmiga ah ee wax looga qaban karo.

Wafdiga waxaa kamid ahaa wasiirka qorsheeynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Cabdi Canshuur iyo wasiir ku xigeenka gargaarka iyo maareeynta masiibooyinka Cabdishakuur Maxamuud Xasan. Wasiirada ayaa kulamo laqaatay maamulka gobolka Hiiraan iyo qeybaha bulshada Beledweyne, waxaana aay kala hadleen sida wax looga qaban karo xaaladaha fatahaada iyo sidoo kale sidii xal-waara loogu heli lahaa fatahaada Beledweyne.

Kulan lagusoo dhaweeyay masuuliyiinta ayaa ka dhacay xarunta gobolka, waxaana ka qeyb-galay qeybaha bulshada, maamulka iyo wafdiga wasiirada ah, waxaana laga wada hadlay sidii xal loogu heli lahaa fatahaada islamarkaana shacabka looga samatabixin lahaa.

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Cabdi Canshuur oo hadlay ayaa yiri “Waxaa aan idinku nimid inaan idinla qeeybsano dareenka murugada ah ee fatahaadaha soo cusboonaaday iyo inaan ka tashano waxii laga qaban karo fatahaada, sidoo kale waxaan aan u inaamay inaan ogaano qaabka dadka looga samatabixin karo dhibaatada, waxaan rabnaa sanadkaan in aaysan dad nooga dhiman, baahina aan ladareemin, waxaan keeni doonaa gurmad xoogan. Waxaan idinka codsaneeynaa in laqaato talooyinka caafimaadka maadaama sanadkan uu jiro Fayriska Karoona”.

Sidoo kale waxaa munaasabad ka hadlay wasiirka Qorsheeynta XFS Jamaal Maxamed Xasan oo sheegay in aay hayaan qorshihii biyo xireeno muhiim looga sameeyn lahaa Beledweyne, waxaana shacabka uu ka codsaday inaay lashaqeeyaan.

“Waxaan mudaba soo wadnay qiimeeyn iyo daraaseeyn ku saabsan sidii xal-waara loogu heli lahaa fatahaada Beledweyne, waxaan soo dirnay Injineero, waxaan hada haaynaa sidii xal waara loogu heli lahaa fatahaada, anaga waay naga go’antahay inaan fulino, waxaan u baahanahay inaad nala shaqeeysaan. Sidoo kale waxaan codsanayaa in laqaato talooyinka caafimaadka maadaama uu jiro xanuun halis ah”. Sidaas waxaa yiri wasiirka Qorsheeynta Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiir kuxigeenka gargaarka iyo maareeynta masiibooyinka Cabdishakuur Maxamuud Xasan ayaa sheegay inaay ka xunyihiin dhibka haaysta shacabka Beledweyne islamarkaana aay laqeybsanayaan xanuunka, wuxuu intaas ku daray in waxii aay awoodaan aay ka geeysan doonaan gargaarista shacabka.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo qeybaha bulshada ayaa soo dhaweeyay wafdiga iyo qorshayaasha aay ka hadleen, waxaana aay bogaadiyeen xukuumada RW Kheyre oo aay sheegeen inaay soo garab istaagtay xili muhiim ah.

Wafdiga ayaa ugu dambeeyn kormeeray goobaha uu kabaxay wabiga Shabeelle waxaana aay indha-indheeyeen sida wax looga qaban karo xaaladaha degdega ah ee fatahaada, waxaana aay xog wareeysteen Injineerada iyo maamulka.

Beledweyne ayaa sanad walba lakulanta fatahaado culus oo geeysta qasaare nafeed iyo mid hantiyeed, waxaana sanadkii lasoo dhaafay ku barakacay dhamaan dadka Beledweyne. dowlada federaalka ayaa qorsheeyneeysa sidii xal kama dambeeys ah loogu heli lahaa fatahaada Beledweyne.

Hiiraan Online, News Desk