4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 5 , 2020
Wasiir Goodax oo QM kala hadlay saameynta COVID-19 uu ku yeeshay waxbarashada dalka


Talaado, May 5, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxa uu faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay kulan khadka Internet-ka ku dhex-maray isaga iyo wakiilka QM ee Soomaaliya Danjire James Swan,  waxa uuna tilmaamay in wada-hadalkaasi lagu gorfeeyay arrimo la xariira waxbarashada Soomaaliya iyo saameynta xanuunka safmarka ah ee COVID-19 uu ku yeeshay.

Wasiir Goodax ayaa waxa uu qeexay in kulankaasi uu Qaramada Midoobay mas’uulka u qaabilsan Soomaaliya uu ka siiyay sharraxaad dhameystiran oo la xiriirta saameynta habsami u socodkii waxbarasho ee dalka uu ku yeeshay Coronavirus.

Isagoo la hadlayay warbaahinta maxalliga ah ayuu Cabdullaahi Goodax waxa uu sheegay in sidoo kale uu  James Swan lasoo qaaday qorshaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay sameysatay inta uu xanuunkaan socdo.

“ Waxaan kulan la yeeshay wakiilka Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa u qaabilsan Soomaaliya James Swan waxaana ka wada-hadalnay arrimaha waxbarashada iyo saameynta COVID-19, Waxaan u sharraxnay qorshaheenna inta xanuunkan uu socdo iyo wada-shaqeynta hay’adaha Qaramada midoobe aan la neenahay ee dhanka waxbarashada ahna waan isla soo qaadnay” ayuu yiri wasiir Goodax.

Soomaaliya, waxaa saameyn adag ku yeeshay xanuunka COVID-19, waxaana hadda xiran guud ahaa goobahii waxbarashada sida Iskuullada iyo Jaamacadadaha, si looga hortago faafidda Coronavirus.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho