4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 5 , 2020
Uganda oo joojisay inay bedesho ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya
 

Talaado, May 5, 2020 (HOL) - Militariga Ugandha ayaa si dhakhso leh u hakiyey inay bedelaan ciidamadooda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya sababo la xidhiidha cudurka faafa ee COVID-19.

Brig. Richard Karemire, afhayeenka milatariga Ugaandha ayaa u sheegay Xinhua qadka taleefanka in taliska sare ee ciidamada Difaaca Dadka Ugandha (UPDF) ay qaateen go’aan ah in kumanaan ciidan ah lagu ilaaliyo howlgalka shisheeye.

Go'aanka ayaa yimid kaliya toddobaad ka dib markii askari nabad-ilaaliye reer Ugaandha ah oo ka hoos shaqeeya Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) laga helay cudurka coronavirus.

Karemire wuxuu yiri "waa mid ka mid ah tilaabooyinka nabdoonaanta ee laga qaadayo COVID-19, si loo xushmeynayo ciidamada UPDF ee loo diray Soomaaliya iyo Equatorial Guinea."

Dalka Uganda waxaa ku sugan inka badan 6,000 oo askari oo ka hoos shaqeeya howlgalka AMISOM ee Geeska Afrika iyo in kabadan 100 sarkaal oo kaga sugan dalka Equatorial Guinea kuwaas oo gacan ka geysanaya dhisida awooda iyo xirfada ciidamada qaranka galbeedka Afrika.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online