4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 5 , 2020
Bukaankii uu horeeyay oo ka faa’idaystay mashiin neef siiye ah oo uu sameeyay wiil dhalinyaro Soomaaliyeed


Talaado, May 5, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa bukaankii ugu horeeyay uga faa’idaysay mashiin neef siiye ah (Ventilator) oo uu gacantiisa ku sameeyay Maxamad Cadaawe oo ah wiil dhalinyaro Soomaaliyeed, oo Muqdisho ku nool.

Waxay kusoo beegmatay waqti aad loogu baahi qabo qalabkaan, iyadoo adduunka oo idil u qabo baahi isku mid ah, maadaama Covid19 uu sababayo inuu weeraro hab-dhiska neef mareenka, taasoo keenaysa in bukaanadu u baahdaan hawo la farsameysay oo ka imaanaysa qalabkaan.

Si looga faa’iaysto xirfada wiilkaan dhalinyarada waxay Dowladda Soomaaliya bilowday inay badiso mashiiinadaan, si loogu maareeyo baahida bukaanada uu maalin walba soo ridinayo cudurka Covid19.

Maxamed Cadaawe ayaa kasoo muuqday warbaahinta isagoo hagaya koox farsamayaqaano oo loo igmaday inay si degdeg ah kusoo saaraan tiro badan oo qalabkaan ah, maadaama aysan dowladdu haysan qalab ku filan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online