4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 4 , 2020
Lix qof oo ku dhintay diyaarad xamuul ah oo ku dhacday magaalada Bardaale
 

Isniin, May 4, 2020 (HOL) -Diyaaradan oo ka kacday magaalada Muqdisho islamarkaana kusii hakatay Baydhabo ayaa maanta ku dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Bardaale ee gobolka Baay. Diyaarada ayaa lasheegay inaay waday daawooyin iyo agab kale oo caafimaad.

Diyaarada oo aay lahaayd shirkada African Express Airways ayaa waxaa saarnaa  6 qof oo dhamaantood ku dhintay, waxaa laba qof aay ahaayeen Soomaali halka aan wali lashaacin dhalashada dadka kale. Sidaas waxaa VOA u sheegay wasiirka gaadiidka Koofur-Galbeed Hasan Huseen Maxamed.
 


Masuuliyiinta shirkada African Express ayaa xaqiijiyay in diyaarada aay lahaayeen islamarkaana aay saarnaayeen daawooyin iyo agab caafimaad oo loo waday magaalada Bardaale ee gobolka Baay.

Ilaa hada lama shaacin sababaha keenay dhicitaanka diyaarad, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan, balse maamulka Koofur-galbeed ayaa sheegay inaay wadaan baaritaano ku aadan sababaha keenay dhicitaanka diyaarada.

Hiiraan Online, News Desk