4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 4 , 2020
Soomaaliya oo maanta laga diiwaan-geliyay 34 xaalad oo ah COVID-19
 

Isniin, May 4, 2020 (HOL) - Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa waxey goor dhow soo-saartay warbixintii maalilnaha aheyd ee ku saabsaneyd xaaladda dalka iyo xanuunka COVID-19.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka marwo Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa waxay goor dhow soo duubtay muuqaal ay uga hadleyso xanuunka, waxayna ku sheegtay warbixin lala wadaagay warbaahinta Soomaaliya in maanta oo qura Soomaaliya laga diiwaan-geliyay 34 xaalad oo cusub,  waxaana bogsaday 17 ruux, halka ay u geeriyoodeen xanuunkan 3 qof.

Dr Fowsiya Abiikar nuur ayaa waxay warbixinteeda ku tilmaantay in kiisaska u badan laga helay magaalada Muqdisho,  iyadoo 27 laga diiwaan-geliyay,  halka 7 xaaladna laga helay maamulka Puntalnd.

Wadarta guud dadka Soomaaliya uu asiibay Coronavirus ayaa waxay gaarayaan 756 qof , waxaa u geeriyooday 35 qof halka ay ka bogsadeen 62 ruux.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho