4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 4 , 2020
Booliska Baydhabo oo ammaro dul dhigay ganacsatada iyo waalidiinta magaaladaasi ku nool
 

Isniin, May 4, 2020 (HOL) - War kasoo baxay taliska booliska ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa awaamiir lagu dul dhigay ganacsatada iyo waalidiinta halkaasi ku nool, iyagoo loogu baaqay in ay ka fogaadaan wax-yaabaha hubka loo ekeysiiyay oo maalmaha ciidda carruurta lagu ciyaarsiiyo.

Taliyaha booliska oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo ayaa tilmaamay in ciddii awaamiirtaasi jebisa ay mudandoonto in la hor-istaajiyo sharciga islamarkaana la xiri doono.

Gaashaanle dhexe Mukhtaar Ibraahim taliyaha booliska Baydhabo waxa uu tilmaamay in ammarkaan looga gol leeyahay xasilinta ammaanka iyo tarbiyada ilmaha oo haddii agabkaasi magaalada uu soo galo labadaba saameyn uu ku yeelan karo.

Soomaaliya, xilliyada ciidaha waxaa carruurta loo iibiyaa agab lagu ciyaarsiiyo oo loo ekeysiiyo hubka sida bastooladaha iyo qorayaha boobayaasha ah, laakiin Magaalada Baydhabo ayaa hadda si cad ka ganacsiga agabkaasi looga xaaraantinimeeyay.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho