4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 4 , 2020
Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay eedeyntii shalay ee Ururrada saxaafadda iyo dhinacyada warbaahinta difaaca oo jawaabta dowladda ku sheegay mid baal marsan xaqiiqada jirta
 

Isniin, May 4, 2020 (HOL) - Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka jawaabay eedo shalay ay dowladda u jeediyeen ururrada u dooda xuquuqda weriyayaasha iyo warbaahinta oo dowladda madaxweyne Farmaajo ku dhaleeceeyay in ay sameysay xad-gudubyo ka dhan ah saxaafadda iyo saxafiyiinta.   

Isagoo ka jawaabaya hadalkii Ururradaasi ayuu Cabdinuur sheegay in dowladda ay ku dadaasho islamarkaana ay tix-geliso xoriyadda hadalka iyo madax-bannaanida warbaahinta . waxa uuna intaa ku daray in dowladda fadaraalka ah aysan si buuxda saameyn ugu laheyn guud ahaan maamul goboleedyada qeybta ka ah dowladda hannaanka ay warbaahinta iyo suxufiyiinta ula macaamilaan.

“Annaga ma qaadaneyno mas’uuliyadda waxa ka dhaca Baydhabo, balse waxaa dowladda u furan keliya inaan la hadalno madaxda maamul goboleedyada qeybta ka ah Faderaalka,  Madaxweyne Farmaaja-na ma bixin ammar ah in la xiro weriye jooga Baydhabo, Kismaayo Hargeysa iyo Garowe” ayuu sheegay Cabdinuur Maxamed Axmed.

Dhinaca kale Cabdalle Axmed Muumin oo ah xoghayaha Ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS oo kamid ahaa ururradii saxaafadeed ee shalay dhaliilay dowladda oo la hadlay HOL ayaa sheegay in jawaabta ka timid dowladda Soomaaliya ay tahay mid ka fog xaqiiqada, welina ay ka meermeereyso bixinta hadal lagu qanci karo.

"Waan maqlay afhayeenka u hadlay Madaxtooyada. Nasiib darro kamuusan jawaabin tacadiyada muuqda ee ay Dowladda uu isagu metelo ay ku heyso saxaafadda. Anaga haddaan nahay ururrada saxaafadda, anagoo mideysan ayaan gudbinay qoraal rasmi ah kaasoo qareenkeena uu u gudbiyay Xafiisyada sare ee Dowladda. Muxuu uga jawaabi waayey tacadiyadan oo ah kuwo wada muuqda oo dhammaan wada diiwaangashan?"  ayuu yiri Cabdalle Axmed Muumin.

Sidoo kale waxa uu Cabdalle Muumin hadalkiisa ku daray haddii dowladda Soomaaliya aan si rasmi ah maanta loogala xisaabtamin tacadiyada ka dhaca Maamul goboleedyada hoos yimaada Faderaalka, waxa uu is weydiiyay cidda sida gaarka ah loogala xisaabtamayo?.

“Waxaa nasiib darro ah in sarkaal Xafiiska Madaxweynaha ka tirsan  uu qirto in Dowladda Soomaaliya aysan ka talin gobollada dalka oo ay Baydhabo iyo Kismaayo ka mid tahay. Wuxuu meel uga dhacay qarannimada dalka oo ku qeexan Dastuurka Dalka. Dowladda haddeysan dalka wada maamulin waxay ku habboon inay weerarada ay ku heyso saxaafadda ee ka dhacaya Muqdisho ay joojiso marka hore. Annagu waxaan dooneynaa inaan ammaan iyo badqab helno” . ayuu  Cabdalle Muumin ku daray hadalkiisa.

Shan Urur oo arrimaha saxaafadda u ololeeya ayaa Axaddii shalay dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay weerar cad ku haayso warbaahinta madaxa-bannaan ee Soomaaliya taas oo ka hor-imaaneyso xoriyadda hadalka, iyadoo la sheegay in weriyayaashu ay dareemaan culeys adag, dowladduna aaney ka jawaabin cabashada saxaafadda.

Ururradan ayaa qeexay in 12 bilood ee lasoo dhaafay ay dhaceen  81 tacaddi oo ka dhan ah saxaafadda, halka 53 ay ahaayeen kuwa aan illaa iyo hadda waxay u dhaceen aan sabab loo haayn.

Laba saxafi ayaa lagu dilay Soomaaliya, halka 12 kale lagu qasbay in ay Waddanka isaga cararaan. Sida ay ururradaasi sheegeen.

Laakiin Cabdinuur Maxamed ayaa sheegay in aysan jirin hay’ad warbaahineed oo ay dowladdu bartilmaameedsatay oo ku taalla Muqdisho. Hase-ahaayee waxa tilmaamay jiritaanka hal dhacdo oo aheyd weerar lagu qaaday xarunta Telefashinka Universal ee Muqdisho, waxana uu ku tilmaamay mid aan xiriir lala heyn arrimaha shaqada balse aheyd isku dhac iyo muran ka yimid dhinaca canshuuraha .

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online Muqdisho