4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 4 , 2020
Taliska ciiddanka milatariga Soomaaliya oo sheegay inay fashiliyeen weerar Al-shabaab kusoo qaadeen Ceel-Saliini iyo Bariire
 

Isniin, May 4, 2020 (HOL) - Taliska ciiddanka milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar kooxda Al-shabaab kusoo qaadeen degaanada Ceel-Salini & Bariire ee gobolka Shabeelada Hoose.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay barta twitterka ee ciiddanka xoooga ayaa lagu sheegay in ciidamadu dileen 10 kamid ah Shabaabkii soo qaaday weerarka, sidoo kale waxaa la sheegay inuu jiro khasaare dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada.

“Alshabab waxay isku dayeen inay weeraraan saldhigyada ciidanka xoogga ee Ceel-Salini & Barire ee Shabeelada Hoose. waa la iska caabiyay. Intaa waxaa sii dheer, 10 argagixiso oo katirsan Alshabaab ayaa la xaqiijiyay in la dilay & kuwa badana la dhaawacay. Waxaa jira Khasaare dhaawac ah oo soo gaadhay ciidanka XDS," ayaa lagu yidhi qoraalka taliska SNA.

Taliska ciiddanka milatariga Soomaaliya wuxuu sheegay inay hoos u dhigeen awooda Al-shabaab ay ku qabsan karaan saldhigyada ay weerareen.

Al-shabab ayaa dhowr mar la wareegay saldhigyadaan iyagoo ku laayay ciidamo badan kuna qabsaday hub kala duwan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online