4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 31, 2020
Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaallamay duleedka Kismaayo oo ka furmay magaaladaas


Axad, May 31, 2020 (HOL) -  Waxaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo shir lagu heshiisiinayo laba beelood oo dhowaan ku dagaallamay duleedka galbeed ee magaaladaasi,  waxaana soo qaban-qaabiyay maamulka Jubbaland.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb-galaya odoyaal dhaqameedka labada beelood, salaadiin kamid ah dhaqanka Jubbaland oo xal raadinta ka qeyb-qaadanaya , saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka , wasiirro iyo xildhibaanno sidoo kale ka tirsan Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlay madasha shirka nabadeynta ah uu  ka furmay ayaa odoyaasha labada beel ka codsaday in ay heshiiskaas meel mariyaan, si looga baaqsado colaad kale oo ay dad ku dhintaan.

Colaadda u dhexeysa beelahaan wada dego Kismaayo ayaa waxay abuurtay kala fogaashiyo dadka ah , waxaana intii ay socdeen lasoo gudbinayay muuqaallo aad looga argagaxay oo lagasoo duubay ficillo aan wanaagsaneyn oo ay sameynayeen maleeshiyaadkii dagaalamayay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa hadda waxa uu u muuqdaa mid ku dadaalaya in colaaddaas lasoo afjaro.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]