4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 31, 2020
Al-shabaab oo xukun dil ah ku fulisay nin ay sheegeen inuu ahaa Sixirlow
 

Axad, May 31, 2020 (HOL) - Kooxda Al-shabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay 50 jir ay ku sheegeen inuu ahaa Sixirlow dad badan ku dhibaateeay degmad Qoryooleey ee goboka Shabeeladda hoose.

Maxkamad kutaala gobolka Shabeeladda hoose oo hoos tagta maamulka Al-shabaab, ayaa ninkaan oo lagu magacaabi jiray Abuukar Xaaji Cumar shalay ku fulisay xukun dil ah oo ay goob joog u ahaayeen dadweyne.

Al-shabaab waxay tilmaameen inuu muddo shan sano ah ku shaqeysanayay sixirka islamarkaana uu dad badan ku dhibaateeyay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]