4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 30, 2020
Gudiga baaritaanka dhacdadii Gololeey oo lakulmay qoysaska dhalinyaradii lagu dilay deegaanka


Sabti, May 30, 2020 (HOL) - Gudigii shalay uu ku dhawaaqay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare islamarkaana loo xilsaaray baaritaanka dhacdadii ka dhacday deegaanka Gololeey ayaa lakulmay qoysaska dhalinyaro dhawaan lagu dilay deegaan hoos yimaada degmada Balcad.

Gudiga ayaa tacsi u diray ehelada, waxaana aay u balan qaadeen inaay heli doonaan cadaalad. Gudiga ayaa bulshada ugu baaqay inaay joojiyaan siyaasadeynta dhacdadii ka dhacday deegaanka Gololeey.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelada dhexe Axmed Meeyre Makaraan ayaa sheegay in baaristan aay ka qeeyb-qaadanayaan hay'ada CID, militiriga, baarlamanka deegaanka iyo gudiga Hirshabeelle, waxaana uu sheegay inaay rajo wanaagsan ka qabaan in natiijo rasmi ah aay kasoo baxi doonto baaritaanka.

Sadax maalin kahor waxaa deegaanka Gololeey lagu dilay sideed dhalinyaro ah oo ka shaqeeynayay cisbitaalka deegaanka, waxaana dhacdadaas aay saameeyn ku yeelatay dadka deegaanka.

Abdirisak M. Abdulle, Hiiraan Online