4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 30, 2020
Galmudug oo la wareegtay gurigii Gaalkacyo ay ka deganaayeen xerta Shiikh Cabdiweli Cilmi yare


Sabti, May 30, 2020 (HOL) - Wasiirka amniga maamulka Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa waxa uu maanta si rasmi ah u sheegay in ay la wareegeen gurigii ay deganaayeen xertii Shiikh Cabdiweli Cilmi Yare oo kol hore ku geeriyooday qarax Alshabaab ay la beegsadeen hooygaas.

Gurigaan ayaa horay u ahaa xarunta hooyooyinka, laakiin waayadii dembe waxaa deganaa xerta Shiikh Cabdiweli, waxa uuna ku yaalla koofurta magaalada Gaalkacyo oo ay Galmudug maamusho.

Warka ka imaanaya la wareegista gurigaas ayaa waxa uu intaa ku darayaa in isla maantaba wasaaradda amniga Galmudug ay dejisay ciidan ka tirsan  booliska.

Axmed Macallin Fiqi wasiirka ammaanka maamulka Galmudug ee Soomaaliya ayaa waxa uu horay u ballan-qaaday in guryaha danta guud ay la wareegi doonaan, iyadoo weli ay jiraan guryo dowladeed oo ay dad gaar ah deganyihiin.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]