4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 30, 2020
Qaramada Midoobay oo si adag u cambaarayso howlwadeeno caafimaad oo lagu laayay gobolka Shabeeladda dhexe
 

Sabti, May 30, 2020 (HOL) - Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha iyo Xiriirinta gargaarka aadaminimada ee Soomaaliya, Adam Abdelmoula, ayaa dhalleeceeyay afduub iyo dilkii loo geystey shaqaale caafimaad oo ka howlgalayay tuulada Gololey ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Adam Abdelmoula ayaa sheegay inuu aad uga argagaxay in 7 shaqaale caafimaad iyo qof shacab ah oo laga afduubay xarun caafimaad oo ay maamusho hay'ad samafal oo ka howlgasha tuulada Gololey, degmada Balcad, la laayay kadibna maydkooda lagusoo daadiyay baadiyaha ku dhow tuulada.

"Weerarada ka dhanka ah xarumaha caafimaadka iyo shaqaalahooda waa wax aan la aqbali karin waana jabin sharciga caalamiga ah ee bini'aadanimada iyo sharaf dhac., " ayuu yidhi Mr. Abdelmoula .

Sarkaalka katirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay dowladda federalka Soomaaliya ka sugayaan baaritaan buuxa oo hufan islamarkaana cadaaladda la horkeeno dambiilayaashii falkaan foosha xun ka dambeeyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa falkaan ku tilmaamay fal lagu xasuuqay dad aan waxba galabsan, iyadoo sheegtay inay baarayso eedeymaha ku saabsan in ciidamada milatarigu ka dambeeyaan iyo in Alshabaab ka dambeyso.

Dadka falkaan ka dambeeyay oo ku labisnaa dareeska ciidamada xoogga dalka, ayaa marka ay afduubanayeen howlwadeenada caafimaadka waxaa uduubnaa afka, balse dadka degaanka ayaa ku eedeeyay inay ahaayeen ciidamada dowladda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]