4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 3 , 2020
Somaliland oo gubtay Qaadkii ugu badnaa oo lagu soo raray dad iyo dameero
 

Axad, May 3, 2020 (HOL) - Ciidamada bilayska ee degmada Tog Wajaale oo kutaala xuduuda Ethiopia ayaa meel fagaare ah gubay in ka badan kun kiilo garaam oo Qaad ah, oo la doonayay in si qarsoodi ah loo galiyo gudaha Somailand.

Qaadkaan ayaa lagasoo tahriibiyay dalka Ethiopia oo isha kaliya uu haatan qaadka uga yimaado Soomaaliya, maadaama horey loo joojiya Qaadkii  ka imaan jiray Kenya.

Masuuliyiinta amniga ayaa sheegay in Qaadkaan lagu qabtay iyadoo uu dadweyne dhabarka ugu raran yahay xill habeen ah lana doonayay in magaalada Wajaale gaadiid looga daabulo.

“Waxaan idiin sheegaynaa haddii  aad is tirahaadeen iftiinka gaadiidka waa la idinku arkayaa oo dhabarka ku gura Qaadka, anaguna gaadiidka waan kasoo dagaynaa waana idiin soo lugaynaynaa si aan idiin qabano” ayuu ydihi sarkaal ciidamada katirsan.

Waxyaalaha xusida mudan waxaa kamid ahaa in Qaadka lagusoo dhex qariyay shaashadaha Tiifiiyada oo inta la furay lagu guray baco Qaad ah. Waxaa sidoo kale lagusoo raray sanduuqyo iyo Dameero.

Waa maalintii saddexaad oo magaalada wajaale lagu gubo Qaad sharci darro ah tan iyo markii dhawaan laga mamnuucay gudaha Somaliland Qaadka inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online