4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 3 , 2020
Injineero kascda Dowladda Soomaaliya oo sheegay in xal deg-deg ah laga gaari doono fatahaadaha Beledweyne


Axad, May 3, 2020 (HOL) -Wafdigan oo kasocday  Dowladda Soomaaliya ayaa ahaa laba injineer oo qiimeeyn ku sameeyay wabiga Shabeelle iyo sidii xal deg-deg ah looga gaari lahaa fatahaadaha ayaa sheegay in laga hortagi doono fatahaada wabiga.

Masuuliyiinta kasocday Dowladda Soomaaliya oo manta soo gaaray Beledweyne waxaa soo dhaweeyay maamulka gobolka Hiiraan, waxaayna kormeereen meelo kala duwan oo kamid ah wabiga Shabeelle.

Injineer Axmed Cabdikariin oo kamid ah wafdiga ayaa sheegay inaay kormeereen goobo kala duwan islamarkaana aay arkeen sida rasmiga ah ee wax looga qaban karo fatahaadaha Beledweyne.

“Waxaan kormeer ku tagnay kiliga Waraaboole oo kamid ah meelaha laga neefiyo wabiga Shabeelle, waxaan soo indha-indheeynay meelo kala duwan, hada ma haayno xal waara balse waxaan haaynaa hal degdeg ah, waxaayna u baahantahay in laga qeeyb-qaato xalkaas”. Sidaas waxaa yiri Injineer Axmed Cabdikariin.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo kormeerka qeyb ka ahaa ayaa sheegay in Injineerada aay isla garteen qaabka loo sameeyn doono xal degdeg ah oo laga gaara fatahaadaha wabiga Shabeelle.

“Waxaan rajo wanaagsan ka qabaa in xal degdeg ah laga gaari doono fatahaadaha wabiga Shabeelle, waxaan ka codsanayaa in dhamaan dadku aay ka qeeyb-qaataan sidii mar dambe aaysan u dhicin fatahaadaha aafeeyay shacabka Beledweyne”. Cali Jeyte.

Wabiga Shabeelle ayaa xiligan keenay biyo aad u badan, waxaana jira cabsi badan oo aay qabaan shacabka Beledweyne. Fatahaadaha ayaa noqday kuwa sanad walba kusoo laabta Beledweyne, waxaana ka dhasha qasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Dowlada ayaa markii labaad Injineero usoo dirtay xaalada wabiga iyo sida wax looga qaban karo fatahaadaha, hasa-ahaatee waxaay kusoo aadayaan xili aay aad usii kordheeyso cabsida laga qabo fatahaada wabiga Shabeelle.

Hiiraan Online, News Desk