4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 3 , 2020
Injineer Soomaali ah oo soo saaray Mashiinka Neefta


Axad, May 3, 2020 (HOL) - Injineer Soomaali ah ayaa soo saaray qalabka neefsashada , xilli ay kordhayaan dadka aan helin Mashiinka Neefta ee u dhimanaya fayruska COVID-19.

Maxamad Cadaawe oo ah 21 jir ku nool caasimadda Muqdisho, ayaa ku sheegay  waxa ku dhaliyay farsamada qalabka neefsashada inuu baraha bulshada ka daawaday Aabbe Soomaali ah oo sheegay wiil uu dhalay inuu u dhintay markii uu waayay Mashiinka neefta siiya bukaannada.

" Dalkeenna ma leh awood lagu gaarsiin karo dhammaan bukaannada Mashiinka neefta ,taas ayaana igu dhalisay farsamo ahaan inan annigu isku dayo." ayuu yiri Cadaawe " Hadda waxaan u arkaa ugu yaraan in bukaannada uu caawin doono Mashiinka oo aan gurigeyga ku farsameeyay." ayuu ku daray.

Dadaalkii uu u galay farsamada qalabkan ayuu ku sheegay inuu ku dhammeystiray muddo 20 cisho ah.

" Qalabkan wuxuu ka sameysan yahay neef bixiyihii gacanka lagu siin jiray, balse ninkaan dhallinyarada ah wuxuu u farsameeyay hab sahlan oo ah inuu neefta gudbinayo iyadoon cidna gacan u adeegsan." ayuu yiri Dr Xuseen Cabdicasiis Fatxi oo ah agaasimaha isbitaalka Soomaali Suuuriyaan ee magaalada Muqdisho.

Dr Xuseen , wuxuu xaqiijiyay in si rasmi ah uu isbitaalka u adeegsan doono qalabkan oo tayo ahaan caawinaya bukaannada u baahan mashiinnada neefta.

Baahida ay dunidda u qabto qalabka neefsashada ayaa koradhay si aan horey loo qiyaaseyn, kaddib markii si safmar ah uu ugu dhuftay caalamka fayruska COVID-19 oo Soomaaliya ay u dhinteen 31 qof.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]