4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 3 , 2020
Kenya oo sheegtay inay joojisay weeraro Al-shabaab la damacsanayd dalkeeda bisha Ramadaan
 

Axad, May 3, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay joojisay weeraro qorsheysan oo al-Shabaab la damacsanaayeen inta lagu gudajiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan, sida lagu sheegay warbixin sir ah oo kooban oo lagu daabacay Sunday Nation.

Kenya waxay sheegtay in ay u suurto galisay joojinta weeraradaas iskaashiga Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) iyo hay’adda Sirdoonka Qaranka (NIS).

“Weerarada kooxda xagjirka ah ee Soomaaliya waxay qayb ka yihiin ololaha lagu qasbayo Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu ciidamada KDF kala baxo Soomaaliya halkaas oo ay kula dagaallamayaan kooxda argagixisada taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xasilinayo ummada dhibaataysan,” ayaa lagu yidhi warkaan.

Kenya waxay sheegtay bandowga ay kusoo rogtay isku socodka iyo in awaamiirta faraysa muwaadiniintu inay guryahooda joogaan si ay uga badbaadaan musiibada Covid19 ayaa micnaheedu yahay inaysan heli karin Al-shabaab dad aad u badan oo ay bartilmaameedsadaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online