4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 3 , 2020
Maxamed Cabdullaahi Tuulax “ Si loo adkeeyo ammaanka Caasimadda guri guri ayaan u baari doonnaa degmooyinka”
 

Axad, May 3, 2020 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo maanta kormeer shaqo iyo u kuur galid ammaan kusoo sameeyay seddex kamid ah degmooyinka caasimadda ee Wadajir, Dharkeenley iyo Kaxda ayaa waxa uu sheegay in dhowaan uu billaaban doono howl-gal dhinaca ammaanka ah oo ay booliska Muqdisho ku hubinayaan nabad-gelyada.

Tuulax oo la hadlay saxaafadda Muqdisho waxa uu qeexay in ujeeddada looga gol leeyahay xaqiijinta amniga ay tahay dhowridda bad-qabka shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda, isagoo intaa ku daray in howl-galkaan uu noqon doono mid guri guri loo baarayo degmooyinka qaar.

“Degmooyinka Wada-jir iyo Dharkeenley iyo guud ahaan degmoyinka kale waxaan ku sameyneynaa baaritaan amniga la xiriira oo guri guri ah “ ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Hadalkiisa ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli magaalada Muqdisho uu saaranyahay Bandow looga hortagayo xanuunka COVID-19, islamarkaana lagu guda jiro bisha ramadaan oo aan dhibaatooyin badan oo ammaanka ka dhan ah laga soo werin caasimadda Muqdisho.

Cabdicasiis Axmed Barrow
[email protected]
Hiiraan Online, Muqdisho